Uncategorized

Hay`adda ICRC oo ka hadashay afduub loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda Ajaanibta ah

Muqdisho-KNN-Hayadda Laanqeerta cas ee ICRC ayaa ka hadashay mid kamid ah shaqaalahooda ajanabiga ah ee soomaaliya ka howgala xalay laga afduubtay magaalada Muqdisho.

Ku xigeenka madaxa Hay`adda ICRC Daniedl O,Malley ee soomaaliya ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda lagu afduubtay xalay Muqdisho.

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka kana mid aheed shaqaalaha hay`adda ICRC ayaa la afduubtay xili ay ku sugneed xarunta Hay`adda ee ku taala aga gaarka isgoyska Soobe ee Muqdisho, iyadoona afduubkeeda la sheegay in ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah ilaalada Hay`adda.

Ilaalada Hay`adda ICRC ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan, sida wararka qaar ay tilmaamaayaan.

“Waxaan ka walaacsannahay xaaladda iyo waliba badqabka gabadhi aan shaqo wadaagga aheen, waxa ey aheed Kalkaaliso caafimaad oo maalin walba ku hoowlaneed sidii ey ubaadbaadin laheed naf khatar wajaheeysa” ayuu yiri ku xigeenka madaxa howgalka gargaaarka ee ICRC ey soomaaliya ka waddo.

Maamulka hayadda sidoo kale waxa ey sheegeen in ey la xiriireen dhinacyo kala duwan si loo sii daayo haweeneeydan xalay la afduubtay.

Afduubka kadib waxaa la qabtay dhowr baabuur oo hayada amnigu ey sheegeen in ey ka qeybqaateen afduubkan, inkasta oo wali eysan hayadaha amnigu si rasmi ah ugu hadal.