Somali News

Hay’adda IMF oo malaayiin dollar ugu deeqday Soomaaliya

Madaxda Sare ee Hay’ada lacagta Aduunka IMF ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ugu deeqeen dhaqaale gaaraya malaayiin dollar si loo kabo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo hay’adda ka hadashay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.


War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda IMF oo warbaahinta lala wadaagay ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha cusub ee Soomaaliya loogu deeqay uu gaarayob10 milyan oo dollar, iyada oo hay’adda sheegtay in dhaqaalahaasi lagu taageerayo horrumarinta Siyaasadda dhaqaalaha Soomaaliya.


Taageeradan ayay IMF sheegtay in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan sannadka oo dhan.
Hay’ada IMF ayaa dhinaca kale sheegtay in Kobaca dhaqaale ee Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024 marka la barbar dhigo sannadkii hore.


“Soomaaliya waa in ay sii wado ajandaheeda dib-u-habaynta, waxqabadka. Waa in la joogteeyo xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda dawladda”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda IMF.


IMF waxa ay sheegtay taageeradan inay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.


Hay’adda IMF ayaa ugu dambeyn war-saxaafadeedka ku sheegtay in Soomaaliya ay haysato fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran, maadaama laga cafiyay deymihii ugu badnaa ee lagu lahaa.