Somali News

Hay’adda IRC oo ka hadashay muwadiniin Shiinaha u dhashay oo lagu afduubtay Itoobiya

Hay’adda caalamiga ah ee IRC ayaa xaqiijisay in lagu soo wareejiyay muwaadiniin u dhashay Shiinaha oo lagu afduubtay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Ha’yadda ayaa sheegtay in koox maleeshiyaad ah ay kusoo wareejiyeen saddexda qof ee u dhashay Shiinaha isla markaana ay ku wareejiyeen safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay Itoobiya, sida uu BBC u sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda.

Jabhadda OLF ayaa toddobaadyo ka hor sheegay in galbeedka Itoobiya ay ku afduubteen muwadiniinta u dhashay Shiinaha.

Xilliggaasina, ma jirin cid ka tirsan dowladda Itoobiya ama Shiinaha oo ka hadlay dhacdadaas.