Somali News

Hay’adda NISA oo sheegtay in gacan ku soo dhigtay sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay Al-shabaab dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada ugu soo iibin jiray.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida ayaa Ninkaan magaciisa lagu sheegay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsi aad u muhiimsan.

“Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale, Qoraalka NISA ayaa lagu yiri

“Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa”