Somali News

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo markii ugu horeysay xafiis ka furatay Buula-Barde.

Buula-Barde-Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya ayaa markii ugu hpreysay maanta Howlgelisay Xafiis cusub ay ka furatay degmada Buula-barde ee gobalka Hiiraan oo ka tirsan deegaanada Maamulka HirShabeelle.

Adeega hay,ada oo ka mid ah bixinta Baasaboorada ayaa manta qeybtii ugu horeysay dad reer Buula-Barde ah loogu sameeyay Baasaaboor kadib xaflad galinkii dambe ee manta lagu qabtay Xafiiska hay,ada

Dadkii Baasaboorada loo sameeyay iyo Shcabka Magaalada ayaa soo dhaweeyay furitaanka iyo shaqada Xafiiska iyagoo sheegay in ay dhibaato badan u qabeen hiltaanka Baasboorka meesha ugu dhow oo ay adeeg ka heli kareen ayaa ah Magaalada Baledweyne oo 115 km u jirta.

Duqa degmada Buula-Barde Maxamed Axmed Rooble ( Juray ) ayaa goobta xaflada ka sheegay in manta ay tahay maalintii ugu horeysay Taariikhda Buula-Barde oo laga furo xafiis ay leedahay Hay,ada socdaalka iyo Jinsiyada iyadoo Buula-Barde ay tahay Magaaloyinkii ugu horeyay ee xiligii Gumeysiga degmo loo aqoonsado.

Agaasimaha Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyada  Somaliya laanta Maamulka HirShabelle Ibraahim Xuseen Yuusuf ( Sheelare ) ayaa sheegay in qorshaha Hay,adu uu yahay in dhamaan degaanada Hirshabelle laga Hirgaliyo Xafiisyo ay leedahay hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyada Somaliya

Furitaanka xafiiska hay,ada  Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay ka furtay Dagmada bullo burte  ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa u ku so beegmayaa xili ay in kabadan 4 sano ay go doon tahay Bullo burte.