Uncategorized

Hay’adda SOSDA oo Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsan Caafimaadka”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Maanta oo taariikhdu tahay 25 October 2017, Hay’ada SOSDA oo taageero ka helaysa hay’ada Daryeel Association oo xarunteedu ku taal Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden waxay Magaalada Mo

Muqdisho ku qabatay Aqoon Kororsi ku saabsan Xuquuqda Caafimaadka galmada iyo dhaliinka (Sexual Health Reproductive Health Rights SRHR).

Tababarkaanoo ay bixinayeen dhaqaatiir aqoon sare leh, waxaa aad looga hadlay Caafimaadka lamaanayaasha is guursanaya sidii loo hubinlahaa, Uurkaan loo diyaar garoobin sidii la isaga ilaalin lahaa,ilmaha caloosha ku Dhinta sidii loo sooxaaqi lahaa,gudniinka fircooniga iyo dhibaatooyinka uu keeno iyo sida la isaga ilaaliyo cudurada la isuugu gudbiyo galmada IWM.

Waxaa ka soo qayb galay dad gaaraya boqol qof oo ka kala yimid xarumaha Barakacayaasha Muqdisho oo isugu jira haween iyo rag intaba.

Ugu dambayntii ka soo qayb galayaasha waxay sheegeen in ay waxbadan oo noloshooda anfacaya ka faa’idaysteen una mahadceliyinayaan hay’ada SOSDA/Daryeel oo aqoon kororsiga u qabtay.