Somali News

Heshiis laga gaaray beelo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan.

Wafdigii ka socoday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ee dhawaaan gaaray Beledweyne ayaa sheegay in ay Soo Gabgabeyeen dib u heshiisiintii ay maalmahan ka dhax-wadeen Beelihii dhawaan ku dagaalmay duleedka waaqooyi galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo dhowr todobaad ku sugnaa Beledweyne ayaa gaaray deegaanadii dhawaan beelahan ku dagalameen ee kala ah Baladu-Nuur,Bardaan iyo tuulooyin kale oo ahaa kuwii beelahan dagaalada culus ku dhexmaray kaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaar kamid ah waxgaradka beelihii tuulooyinkan ku dagaalamay iyo guddigii dhexdhexaadinta ayaa sheegay in ay nabad qateen wixii dhacayna lagu dhamayn doono sharceeda islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib xal ka gareen dagaalkii maalmahan ka socday galbeedka magalada Beledweyne isaga oo ay garab tagnayeen wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya oo beelahaas ka soo kala jeeda.

Inta la ogyahay dad kabadan 50 tameeyo ayaa dagaaladan ku geeriyooday halka dhaawaca uu intaas ka baadan yaahy, Sidoo kale maleeshiyaad ku kala abtirsada belahaan ayaa iska gubay tulooyiin badan oo dhaca halka ay ku dagalamayeen iyadoo dad badan ay halkaas ka barakaceen