Uncategorized

Hey’ada NISA oo kordhisay howlagalada qorsheysan ee Muqdisho iyo Gobalada kale

Taliska hay’ada Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe kordhiyay howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab. 

Hay’ada NISA ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isasa soo dhiibameen todobaadkii dambe, islamarkaana hay’ada ay kordhisay howlgalada lagu soo qabanayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Sargaal ka tirsan hay’ada NISA ayaa sheegey in sirdoonka soomaaliyeed ay maanta adeegsadaan technology-da casriga ah ee isticmaalaan wardoonada caalamka ugu hormarsan.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in ciidanka sida gaarka u tababaran ee NISA ay howlgalada ay ka wadaan muqdisho iyo gobalada dalka soomaaliya.

Maanta ayay aheyd sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu iska dhiibay degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Al-shabaab ayaa xiligan wajahaysa culeys weyn oo kaga imaanaya ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.