Muqdisho-KNN-In ka badan 30 hey’adaha gaarka ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa Dadalalka iyo Heey’adaha Deeynta ku leh Soomaaliya waxay ugu baaqeen in ay Cafiyaan Deeymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya, si Dowladdu ay furdas ugu hesho in ay Abuurto jawi maalgashi.
Heey’adahaan oo ay ka mid yihiin World Vision, Action Aid, Save the Children iyo Relief International, ayaa war shirka London ka hor ay wada jir u soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Deeymaha Soomaaliya lagu leeyahay ay Xadidayaan Dadaaladda Dowladdu ay ugu jirto Maalgalinta Waxbarashadda, caafimaadka, iyo laamaha Amaanka.
“Deeymaha oo la cafiyo Somalia waxay fursad u siin kartaa Horumar dheer oo dhaqalaaha ah waxayna Abuuri kartaa maalgashiga gaarka loo leeyahay” ayaa lagu yiri warka ay Heey’aduhu soosaareen.
Madaxa Heey’adda Lacagta Aduunka ee IMF loo soo gaabiyo Christine Lagarde ayaa Balanqaaday Bishii January in ay Muhiimad siindoonto cafinta Deeynta Soomaaliya lagu leyahay, iyadoo sheegtay in dadaal kasta loo galayo cafinta Deeynta Soomaaliya lagu leeyahay.
Sida ku xusan Diiwaan ka IMF-ta Soomaaliya Deeynta lagu leeyahay waxay dhantahay 5 Billion oo dollar, taas Soomaaliya aysan Awood u yeelan in ay bixiso intii uu dalku ku jiray Dagaaladda Sokeeye, waxay taasina hor istaagtay in Dowladda Soomaaliya ay fursad uyeelato in ay hesho Deeymo dheraad ah.
Heey’aduhu waxay sheegeen in Dalalka Deeymaha isgaaray ay ku leeyihiin IMF iyo Bangiga Aduunka aysan ku habooneeyn in deyn loo cafiyo, aysanna Maalgalin ka Heli Karin IMF-ta iyo Qaybta horumarinta ee Baniga Aduunka.
“Shuruucda Deeymaha aruuray ayaa Soomaaliya ka saaraya mid ka kid ah Maalgalinta ugu weeyn ee Horumarinta. Marka Dhanacyo Saameeyn ku leh Siyaasadaas ay isugu imaanayaan London waxay farsad u heeystaan in ay Sawirkaas Badalaan” ayey hayaduhu yiraahdeen.
Waxay heey’aduhu sheegeen in Nolosha Caruur badan la badbaadin karo hadii sifiican looga shaqeeyo Caafimaadka, Waxbarashadda iyo Amaanka kuwaas oo dhamaantoodba quudiya Dowlad Xasiloon iyo Heey’adeheeda.
Heey’adahaan ayaa Baaqooda waxay kusoo aadiyeen iyadoo Maanta Magaaladda London uu kafurmay shir heer sare ah oo looga hadlayo Xaaladda Banii aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa Malaayiin Ruux oo Macluul ku wajahaya gudaha Dalka.