Somali News

Hey’adda Caafimaadka Aduunka oo sheegtay in dagaaladda liibiya ay ku dhinteen boqolaal qof

Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 1,000 qof ayaa lagu dilay dagaaladda Dalka Liibiya ka socda tan iyo markii Ganeral Khaliifa Hafter uu bilaabay gulufka uu doonayo in uu ku qabsado  Caasimadda Tripoli Sedax bilood ka hor, sida ay sheegtay Hey’adda Cafimadka Aduunka ee WHO.

Tiradaan oo lagu dhawaaqay jimcihii waxaa ku jira 60 qof oo ah muhaajiriin xabsi ku jiray oo lagu dilay dagaal cirka ah oo lagu qaaday magaaladda Tajuura ee duleedka Tripoli habeenkii Talaadada.

Ciidanka uu hoggaamiyo Gen. Khaliifa Hafter oo heysta Bariga Liibiya iyo qaybo ka mid ah Koonfurta  ayaa bishii April ee Sanadkaan bilaabay dagaal ay doonayaan in ay ku maja xaabiyaan Dowladda uu Caalamku aqoonsanyahay ee caasimadda Degan.

Dagaaladda dhinaca circa ah iyo kuwa dhulka waxaa ku dhintay 1,000 qof halka ay ku dhaawacmeen 5,000 oo kalena  waa ay dhaawacmeen, sida ay sheegeeyso Hey’adda Caafimaadka Aduunka.

Tiradda Dadka ay waxyeeladu gaartay hey’addu uma aysan kala saarin Dad shacab ah iyo dagaalamayaal.