Muqdisho-KNN-Sacadihii la soo dhaafay ayaa isbadal lagu sameeyay Taliska Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kadib markii gabi ahaanba la baabi`iyay Ciidamadii muuqday ee NISA, iyadoona wararka qaar ee soo baxaya ay tilmaamayaan in qaar kood ay u shaqeyn doonaan qaab qarsoodi ah.
Taliyihii Ciidamada NISA ee gobolka Banaadir G/sare Saadaq Cumar Xasan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.
Ciidamadii Nabad sugida ee gobolka Banaadir oo markii hore qeybta ka ahaa Ciidamada sugaya amaanka magaalada Muqdisho ayaa hadda ka mid noqonaya Ciidamada Booliiska ee gobolka Banaadir.