Uncategorized

Hiiraan:-Ciidamada xooga oo sheegay in ay dileyn dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Beladweyn-KNN-Saraakiisha ciidamada xooga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeyn Al-shabaab, kuwaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beladweyne , Maxaas iyo Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Af-hayeenka ciidamada xooga ee gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileyn 30 dagaalame sidoo kalane ay ka qabsadeyn gadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Ciidamada xooga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo is garab sanaya ayaa maalmihii dambe howgalo ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Howlgaladaas oo  saraakiisha ciidamada waxay ku sheegeen in uu yahay mid Al-shabaab looga saaraayo deegaanada Hiiraan ay kaga sugan yihiin.