Uncategorized

SAWIRRO:-Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo loo soo gaba gabeeyay taba bar ku saabsan ka hortaga qaraxyada

Beladweyn-KNN-Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada loogu soo gaba gabeeyay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Tababarkan ayaa loo qabtay in ka badan 30 askari oo ka tirsan ururka saddexaad guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan kuwaasoo ka howlgala magaalada Buula burde, waxana tababarkan bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka jabuuti.

Col. Cabdullahi Bare  taliyaha Ciidamada ururka saddexaad  ayaa sheegay in waxyabaha ay barteen ciidamada ay ugu adeegi doonaan shacabka si looga hortago weerarada qaraxyada ee ay geystan kooxda Al shabaab.

Cabdi Daahir Guure ( Karoore)  ayaa sheegay in u mahad celiyay saraakiisha ciidamada AMISOM ee tababarkan bixinayay isagoo sheegay inuu wax badanka  ka badali doono  khatarta, ay kala kulmaan ciidamada iyo shacabka  Al shabaab.