Somali News

Hilib la’aan saakay ka jirta Suuqyada magaalada Muqdisho

Maanta suuqyada magaalada muqdisho kuwoodii hilibka lagu iibiyo ayaa haawanaya, kaddib markii shaqa joojin ay sameeyeen ragga hilibka ka ganacsada.

Saddexda berri ee soo socota ayay sheegeen ganacsatadu inaysan keeneyn hilib suuqyada muqdisho islamarkaana ay sameynayaan dibad bax.

Ganacsatada hiliba iibiya ayaa debad baxooda u sababeeyay kaddib markii lagu kordhigay lacag 100 doollar ah halka marka hore laga qaadi jiray 200$, hayeeshee hadda kaddib laga doonayo inay bixiyaan lacag 300$ ah.

Lacagta 100$ka doollar ee dheeriga ku ah ganacsatada ayay sheegeen inaysan bixin Karin, waxaana ay sheegeen in lacagtaasi ay ka qaadaan qolo ay ku sheegeen inay dalaalaan  xoolaha geella.

Halka maamulka gobalka banaadir ay ku sheegeen inuu ka qaad lacagta 200$.