Uncategorized

Hindiya oo ka cabsi qabta in dalkeeda ay ka dhacaan dagaal diimeyd

Muqdisho-KNN-Xiisad colaadeed ayaa ka taagan  gobolka Madhya Paradesh ee dalka Hindiya’ xiisadaas oo ka dhalatay kadib markii nin Muslim ahaa loo dilay in uu gowracay neef lo’a ah oo gobolada qaar ee dalkaasi laga caabudo lo’ada.

Ciidamo Booliis ah oo aad u tiro badan ayaa heegan la giliyay cabsi laga qabo darteed dagaal diimeyd oo ka dhaca gobolka  Madhya Paradesh ee dalka Hindiya.

Xiisadaan ayaa salka ku haysa kadib markii nin Muslim ahaa uu gowracay neef lo’a ah’ laakiin arintaas ayaa waxaa ka carooday dadka caabuda lo’a oo soo weeray ninkii Muslimka ahaa kuna garaacay ul Bud ah ilaa iyo inta uu ka dhinto.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ninkale oo la socday ninka Muslimka ah ee la dilay.

Waxaa arintaas aad ugu carooday ehelada ninka la dilay’ waxaana dowlada Hindiya ay bilowday dadaalo ay ku dooneyso in ay ku soo afjarida xiisadaasi taagan.