Somali News

Hindiya oo Pakistaan ka dalbatay in ay sii deyso Duuliyihi ay qabatay .

Muqdisho-KNN-Dowladda Hindiya ayaa waxa ay dalbatay in la sii daayo duuliyihii waday diyaarad ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee waddanka Pakistan, iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda Kashmir ee u dhaxeysa labada quwad ee nukliyeerka ku hubaysan.

Muuqaal muujinaya duuliyaha – oo indhaha laga xiran wajigiisana uu dhiig ku yaal – ayaa waxaa baahisay wasaaradda warfaafinta ee waddanka Pakistan.

Hindiya ayaa sawirrada waxa ay ku tilmaantay inay yihiin kuwo “soo bandhigaya niyad xumi lagu kacay qof dhaawac ah”.

Weerraro dhanka cirka ah oo Arbacadii ka dhacay barta kala qeybisa Kashmir-ta Hindiya iyo midda Pakistan ayaa ah kuwii ugu horreeyay tan iyo dagaalkii 1971.

Dhacdadaas oo ay Pakistan sheegtay inay ku soo ridday laba diyaaradood oo kuwa milateriga ah, ayaa waxa ay sare u sii qaadeen xiisadda u dhaxeysa labada dal, kuwaas oo sheeganaya lahaanshiyaha Kashmir oo dhan, balse midkastaa uu qeyb uun ka maamulo