Somali News

Hirshabeelle oo ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha waiiradda ee Hirshabeelle oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xaruunta maamulkaasi.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Golaha wasiirada uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  Golaha la wadaagay in dhowaan la bilaabi doono howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab kaasi oo ka dhici doona guud ahaan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumada la wadaagay  in uu kulan lasoo qaatay safiirka Dalka turkiga u fadhiya Soomaaliya dhowaana la bilaabi doono dhismaha wadada laamiga ee Muqdisho iyo Jowhar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay Wasiiradda Amniga, Qorsheynta, Dhalinyaradaiyo Ciyaaraha, Dib u Heshiisiinta iyo Waxbarashada.