Somali News

Hirshabeelle oo maanta qabaneysa doorashada saddex kursi

Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aas ee Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo, waa kuraastii ugu dambeesay ee Golaha Shacabka, waxay kala yihiin:

✅HOP#141, ✅HOP#146 iyo ✅HOP#135.

Kursiga HOP141, waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, balse markale ayuu u sharxan yahay, iyadoo ay musharixiin kula tartamayaan kursigaas.

Sidoo kale,  kursiga HOP#146 uu hore ugu  fadhiyay wasiirka amniga gudaha soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana haatan u tartamaya musharixiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hada ah Musharax madaxweyne.

Kursiga HOP#135, oo ka mid ah kuraasta la qabanayo waxaa hore ugu fadhisay Allah ha unaxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Beledweyne, balse waxaa ku tartamaya musharixiin ay ka mid tahay walaasheyd ZamZam Maxamed Cabdi.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa hore u shaaciyay in kuraastaas ay dhici doonto doorashadooda maanta oo taariikhdu tahay 30-ka bishaan April.

Guddiga ay hore u qabtay doorashada kursiga HOP#009, waxaana ku guuleystay doorashadiisa Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isaga oo ka guuleystey xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigaas Sheekh Cabdirsitaar Cabdsalaan Sh.Xasan Barsane.