Uncategorized

Hirshabeelle oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ka joojisay diyaaradii qaadka keeni jirtay Jowhar.

Jowhar-KNN-Sabriye Cusmaan Toxobow Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Hirshabelle  oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay joojisay diyaaradii qaadka keeni jirtay magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle iyadoo aan ku soo wargilin go’aankaasi.

Hirshabeelle ayaa sheegtay in ay xanibaad dhaqaale kala kulmeyso Dowladda dhexe ee Soomaaliya Islamarkaana ay Dowladda isku dayeeyso in ay Muqdisho ka maamusho Hirshabeelle arintaasina aysan Aqbali doonin oo ay go’aan ka qaadan doonaan hadii aanan waxbo laga qaban.

Shalay diyaaradii qaadka geyn jirtay Jowhar ayaa la sheegay in aysan qaadin qaadkii waxayna sheegeen in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay ku amartay in aysan qaad diyaarad ku geyn karin Jowhar amar la’aana aysan soo aadi karin Shabeelaha dhexe.

Ma cadda sababta ka danbeysa arintaan, balse Hirshabeelle ayaa sheegtay in ay xariir la sameyn doonto Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay kala socdaan go’aanka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay qaadka kaga mamnuucday Garoonka Jowhar.