Uncategorized

Hirshabeelle”caqabad ayaa naga haysata xalinta dagaal beeleedka ka socda Hiiraan”

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay tiro Intaas ka badane way ku dhaawacmeen oo ah dhinacyadii dagaalamay dagaalaas oo ka dhacay deegaano hoosyimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaaladaan ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo la sheegay in ay isku haystaan dhul daaqsimeed, dagaaladaan ayaa inta badan xoogeysta xili roobaadka.

Odoyaal dhaqameed ayaa ku baxay xalinta colaadaasi, inkastoo dadaaladaas ay u soconi si dar dar ah, oo la sheegay in ay ku hor gudbanyihiin caqabado badan.

Maxamed Xuseen Deeriye wasiirka bey’ada ee maamulka Hirshabeelle oo la hadalay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay caqabado Kaga hor gudbanyihiin  xal u helida colaadaasi taagan.

Wasiirka Wuxuu yiri deegaanada colaada ay ka taagan tahay ma’ahan deegaano gacanta ugu jiro maamulka Hirshabeelle, arintaas darteed ayaana ugu fududeen in ay si dag dag ah u xaliyaan Xiisada ka dhax taagan laba maleeshiyo beeleed.