Somali News

Hirshabelle oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Jowhar-KNN-Cabduqaadir Aadan Jeelle Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu faahfahin ka bixiyay weerar ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay inay ka warheleen xubno Al-Shabaab ah oo isku aruur sanayay deegaanka Yaaqle, islamarkaana ay doonayeen inay Ciidamada soo weeraraan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay hal askari, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, isagoona sheegay I n Al-Shabaab ay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday ciidamada xoogga dalka ay ku guuleysteen inay isku furaan wadada u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ay ka go’een inay maraan Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle, kadib markii ay Al-Shabaab dhowr jeer weeraro ka geysteen.