Somali News

Hirshabelle oo ka hadashay dilkii loo geystay wasiir ka tirsanaa maamulkaasi

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dilka caawa loo geystay wasiirkii beeraha iyo waraabka ee Hirshabelle, islamarkaana ka mid ahaa xildhibaannada maamulkaasi.

Qoraalka guddoomiyaha ayaa u qornaa sidan:-

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Guddoonka, Magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka, wazaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani) oo kamid ahaa Xildhibaannada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle, isla markaana dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Xaafadda Kulmis ee Degmada Jowhar, ayuu ku yiri qoraalkiisa

Guddoomiye Shiikh Cismaan ayaa yiri “Waxaan tacsida tiiraanyada leh la qeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Axmed “Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay qataraha kooxaha argagixisada ah ay ka geysan karaan deegaanada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.