Somali News

Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka dhalin yarada iyo ku xigeenkiisa Maamulka Hirshabelle .

Jowhar-KNN-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cumar Maxamad Cumar ( Cumar Gaabow) ayaa ka hor yimid Warqad Dhawaan uu soo saaray Wasiirka Wasaaradaas taas oo lagu Magacaabay Hogaanka Ururka Dhalinyarada ee Hirshabeelle.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wax la tashi ah uusan wasiirka kala soo sameynin magacaabidan isaga iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada sidaa darteedna aysan waafaqsaneyn Nidaamka iyo Baratoolka Xukuumada Hirshabeelle isla markaana iska horkeneysa Bulshada kasoo jeeda Deegaanadan.

Ugu Danbeyn Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabeelle Mudane Cumar Gaabow ayaa Dhalinyarada usoo jeediyay iney u Diyaar garoobaan Doorasho si meesha looga saaro is qab qabsiga ka dhex jira Hogaanka Dhalinyarada

Halkan ka Akhriso Warqada.