Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheeegay in maamulka hirshablle uu bilaabay baaritaan lagu samaynayo weerarkii shalay lagu dilay 8 ruux oo ka howlgali jiray goob caafimaad oo MCH ah, ku waa oo lagu dilay deegaanka gololey oo ku dhaw degmadda Balcad ee gobolka Shabellada dhexe.
Wasiirka ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarkaas waxaana uu ku tilmaamay mid ka fog binu aadnimadda diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed.
“Waxaan si adag u Cambarenayaa Falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaanka Gololeey ee Degmada Balcad, kaas oo lagu xasuuqay 8 Dhalinyara shacab ah oo ka shaqenayay MCH Eey maamusho Hey’adda Zamzam Foundation ee Gololeey , Falkaas waxuu ahaa fal ka fog Bini aadan nimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqankeena Suuban” ayuu yiri wasiirka amniga Hirshabelle
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hey’addaha Amaanka Hirshabeelle iyagoo kaa shanaayo laamaha Baarista Dowlada Federalka ay wadaan Baarista cidii ka danbeesay Falkaas foosha xun ,isla markaana la horkeeni doonaa Cadalada, laamaha baarista ay warbixin faah faahsan kasoo saari doono sida ugu dhaqsaha badan.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dhalinyaradii dil wadareedka loogu geystay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad marka laga reebo Ehellada dadka oo sheegay inay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.