Uncategorized

Hogaamiyaal ka soo goystay Al-shabaab oo ka hadlay sababta ay ugu tageyn Al-shabaab.

Baydho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolada Baay iyo Gedo ayaa sheegaya in Hogaamiyaal ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobolada Baay iyo Gedo ay isku soo dhiibeen Dowlada waxa ayna sheegeen in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-Shabaab oo ay hore uga tirsanayeen.

Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee Dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa uu ahaa taliyaha Dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi siada isaguba uu acdeeyay, waxaana uu ku dhawaaqay inuu iskaga baxay Al-shabaab kuna biiray dowladda Soomaaliya.

Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa waxaa uu sheegay in ay yihiin isaga iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Fiilow oo ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee Gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeen na waxaa uu ku sheegay in Al-shabab ay badaleen Fikirkii lagu balansanaa ee ay ku  dagalamayeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Shabaabka in ay hareer mareen fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.