Uncategorized

Hogaamiyaasha ay ciidamaddu ka jogan Soomaaliya oo isku raacay in aan AMISOM Somalia laga saarin.

Muqdisho-KNN-Madaxda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in aysan ciidamadooda ay kala bixi doonin Soomaaliya taas oo ay u sababeeyeen inay handadi doonto guulihii horey loo gaaray si looso celiyo xasiloonida dalka.

Bayaan ay soo saaren madaxdaasi ayaa shaaca looga qaaday in ciidamada Soomaalida aysan wali ahayn kuwo awood u leh inay sugaan amniga dalkooda waxana ay wajahayaan cabsi iyo khatar amaan oo dhinaca Al-shabaab kaga imaanaysa.

Kulanka Madaxdaan oo ka dhacay Magaalada Kampala ee caasimada Uganda waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyne kuxigenka koobaad ee Burendi Gaston Sindimwo waxaana soo raaca mas’uuliyiin kale oo ka socotay wadamada Kenya,Jabuuti iyo Ethiopia.

Bayaanka ayaa la sheegay in hogaamiyeyaasha isku raacen in wadciga Somaaliya uusan wali ahayn mid lagu haleen karo ciidamadeedi maxaa yeelay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa kor u qaaday weerarada dhinaca gudaha iyo wadamada dariska ay ka geesanayaan.

Hogaamiyaasha ayaa ka dalbaday Midowga Yurub iyo QM in ay sii joogteeyaan taagerada ay siiyaan ciidamada AMISOM.

Madaxda ayaa ugu dambeentiI shaaca ka qaaday in ay qaraarkaan ay wada qaaten ay ku wargelin doonaan Golaha amaanka QM.