Somali News

Hogaamiyaasha Israel iyo Ruushka oo kulan ka yeelanaya deegaameenta dhulka reer Falastiin

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa in kulan uu layeesho madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin kadib markii ay Moscow cambaaray’say qorshaha ay Israel ku dooneeso in ay kula wareegto dhulka reer Falastiin.
Wasiirka arimaha dibadda Ruushka ayaa Arbacadii ka digay walaaca ay ka qabaan hadalka kasoo yeeray hogaamiyaha Israel kaas oo ah in haddii ladoorto uu deegaameen doono qaybo kamid ah dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.
Sidoo kale qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa waxaa cambaaray’yay ururka Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobe.
Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu dhaawici doono hanankii nabadda ee ladoonayay in ladhax dhigo Falastiin iyo Israel.
Todobaadka soo aadan ayaa lagu wadaa in Israel looga dareero doorasho guud taas uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku doonayo in markale loogu doorto.