Beijing-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya mudane maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Beijing Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku xeeran danaha ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada hogaamiye ayaa ka qaybgala shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ka socda caasimadda Shiinaha ee Beijing.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa si gooniya diiradda usaaray sidii labada dal ay uga fa’iideysan lahaayeen mashaariicda Afrika uu shiinuhu ka fulinayo.