Jilib-KNN-Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in Isniintii Gelinka dambe uu ku Geeriyooday degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe kadib xanuun haayay sanadihii ugu dambeeyay.
Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga iyo NISA ayaa KNN u sheegay in la xaqiijiyay Geerida hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye oo Gudaha Al-Shabaab looga yaqaano Shiikh Axmed Abuu-Cubeyda.
Abuu-Cubeyda oo ku dhaawac qabay ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay uu wajahayay xanuun daran waxaana ka sii darayay xaaladiisa Caafimaad, taas oo markii dambe sababtay inuu u Geeriyoodo Xanuunkaasi.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dagaalamayaasha Al-Shababa ee ku aadan Geerida hogaamiyahoodii Axmed Diiriye, Axmed Diiriye ayaa Al-Shabaab waxay hogaamiye u doortay kadib markii duqeyn uu ku dhintay Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Gudaha Al-Shabaab looga yaqiinay Sh/Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.