Uncategorized

Hogaamiyaha Catalonia oo wadahadal ku baaqay

Hogaamiyaha dowladda gobolka Catalonia ee doonayo inuu ka baxo Spain, Carles Puigdemont, ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftida la qorsheeyay Axada, ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Waxa uu ku adkeystay in codbixinta aftida ay dhici doonto, asagoo ugu baaqay taageerayaashiisa inay ilaaliyaan nabadda.

Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in aftidu tahay mid sharci darro ah, ayna intii kareenkeeda ah ka hortagi doonto qabashadeeda.

Dad badan oo taageersan midnimada Spain ayaa isu soo baxyo ka dhigay magaalooyinka waaweyn ee dalka Spain.

Dadka doonaya in Catalonia ay madax bannaani hesho ayaa ku sugan iskuullo loogu talagay inay ka dhacdo codeynta aftida, halka booliskana ay sheegayaan in saacadaha hore ee Axada ay dadkaasi ka eryi doonaan goobahaasi.