Somali News

Hogaamiyaha Falastiin oo ku hanjabay inuu ka bixi doona heshiisyadii ay la galeen Isra’iil

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiisyadii ay la galeen Isra’iil, haddii uu Benyamiin Netanyahu uu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu qabsanayo dooxada Jordan iyo Waqooyiga Badda loo yaqaano (Baxrul meyd).

War qoraal ah oo ay baahisay  Wakaaladda wararka ee Falastiin, ayaa lagu yiri: Cabaas wuxuu sheegay in heshiisyadii lala galay Israa’iil ay dhici doonaan haddii ay Isra’iil ku soo xad gudubto qeyba horleh oo dhulka Falastiin ka mid ah.

Maxamuud Cabaas ayaa sido kale sheegay in go’aamada Netanyahu ay ka hor imaanayaan go’aamadii lawada galay iyo sharciyada caalamka.

Netanyahu “ma doonayo xalkasta oo nabadda lagu xoojinayo mana aqoonsano in go’aamada Dowladda Falastiin ay wax tar yahiin, wuxuna diidayaa heshiiskii hore ee la wada galay ” ayuu yiri Maxamuud Cabaas.