Adis-Ababa-KNN-Hogaamiyaha kooxda hubeysan ee Ginbot 7 Berhanu Negu ayaa kusoo laabtay dalka Itoobiya oo muddo toban sano ah uu kaga maqnaa colaad kala dhaxeysay maamulkii hore ee Itoobiya.
Berhanu ayaa maanta ka soo dagay garoonka duyuuradaha ee magaalada AdisAbaba, waxaana soo dhaweeyay kumanaan qof oo taageera isaga, kuwaa oo sitay calanka Itoobiya.
Berhanu Negu ayaa dhawaan Itoobiya la heshiiyay waxa ayna soo laabashadiisu ka qayb noqoneysaa isbadalka xawliga ah ee Itoobiya ka socda.