Somali News

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qirtay in dalkiisa ay ka jirto cuno yari.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa qirtay in dalkiisa uu ku jiro xaalad cuno yari ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay hogaamiye Kim kadib kulan uu la qaatay saraakiisha ugu sareysa xisbiga talada haya ee wadankaasi.

Waxa uu sheegay in wax soo saarka gudaha sida beeraha lagu guul dareystay in heer sare la gaarsiiyo kadib daadad ku dhuftay.

Sidoo kale Kuuriyada Waqooyi ayaa xuduudaha ka xiratay wadamada dariska la’ah si ay uga hortagto faafida xanuunka Karoona, taas oo iyadana kamid ah sababaha loo aaneenayo cuna yarida kajirta dalkaasi.