Somali News

Hogaamiyaha Kuuriyadda Woqooyi oo marti qaad u fidiyay Madaxweyne Trump.

Hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Kim Jon Un ayaa ku casuumay Madaxweyne Donald Trump si uu booqday magaaladda Pyongyang kadib warqad uu u diray  Bishii August, sida uu wariyay Wargeysk kasoo baxa Kuuriyadda koofureed oo soo xiganaya ilo dublamaasiyadeed.

Warqadda ayaa ahayd middii labaad ee Trump uu ka helay Kim bishii lasoo dhaafay, xilli ay taaganyihiin wada hadaladii u dhaxeeyay labadda Wada nee Nuclear-ka.

Marka uu waqradda u dirayo Washington waxaa xukuumadda Kim ay tijaabineysay Gantaalo kuwa ridada gaaban ah, kuwaas oo qaylo dhaan ka muujiyeen Kuuriyada koofureed iyo Japan, balse uusan mareykanku u arkin in ay wax u dhimayaan.

Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyadda Koofureed waxaa ay kulmeen Sedax jeer tan iyo Bishii June ee Sanadkii 2018, mana jiraan heshiis rasmi ah oo ay kulamadooda ku gaareen.