Somali News

Hogaamiyaha mucaaradka Argentine oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Argentine Alberto Fernández ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday.

Mr Fernandez ayaana doorashadaasi ka helay codad gaaraya 45%.  

Doorashadan ayaa kusoo beegantahay xilli dhaqaalo xumo aad u liidato ay ka jirto dalka Argentine.

Dadka reer Argentine ayaa lasheegay in sadax meelood meel ay yihiin dad faqri ah.

Hogaamiyaha mucaaradka eek u guulaystay doorashada ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu lashaqeen doono madaxwaynaha xilka ka sii dagayo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Codadka guud ee latiriyay ayaa ah 90% iyadoona Mr Fernandez codadkaasi uu ka helay 47.79% halka musharaxa latartamayay oo ah madaxwaynaha dalkaasina uu helay 40.71%.