Somali News

Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka oo maxkamad lasoo taagay

Moscow-KNN-Maxkamad ku taala magaalada Moskow ee caasimada dalka Rushka ayaa maanta dhagaysanaysa dacwad ka dhan hogaamiyaha mucaaradka dalkaas Alexei Navalny.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay hogaamiyahaan mucaaradka ah inuu qalqal geliyay amniga wadanka madaxda dawladana u gafay.

Qareenada u doodaya Alexei Navalny ayaa iyana maxkamada ka hor sheegay inu si sharci darro ah loosoo xiray asagoo dambi lahayn.

Ciidamada rabshadaha ka hor oo aad u tiro badan ayaa la dhigay banaanka maxkamada dacwadiisu ka socoto.

Warbaahinta qaar ayaa baahiyay in ciidamadu maanta xir xireen dad badan oo kale oo taageersan hogaamiyaha xiran ee Alexei Navalny.