Muqdisho-KNN-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in uusan sharci ahayn heshiiska saddex geesoodka ah ee ay wada galeen Itoobiya, Somaliland iyo Dp World.
Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxaa uu sheegay in saamigu labo dhinac ahaa islamarkaana Itoobiya aanay ku ansixin heshiiskaasi markii Baarlamaanka Maamulka Somaliland la horkeenay.
“Heshiiska Somaliland la gashey Dp World ee Baarlamaanku ansixiyay waa uu ka duwanyahay kan imika la wada galay, Saddex geesood ma ahayn” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciro Guddoomiyaha Waddani.
Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in heshiiskaasi dib loo eego oo ay kasoo horjeedaan heshiiska ay xukuumadu la gashay Shirkada Dp World.
“Qodobka Shan iyo tobanaad ee heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Dp World waxaa uu sheegayaa inaan Saamileydu shanta sano ee hore la iibin karin, qodobkaasi labada dhinacba waa jabiyeen”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Baarlamaanka Soomaaliya, Xukuumadda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa kasoo wada horjeestay go’aanka Somaliland ku wareejisay Dekadda Berbera islamarkaana saamiga ay ku siiyeen dawladda Itoobiya iyo shirkada Dp World.