Uncategorized

Hogaamiyayaasha Qatar iyo Sucuudiga oo ka wadahadlay dhibaatada ka dhex aloosan

Amiirka dalka Qatar ayaa taleefanka kula xiriiray dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga si uu ugala hadlo dhibaatada soo foodsaartay xiriirkii ka dhaxeeyay labadooda dal taas oo qaadatay muddo dhowr bilood ah.

Wadahadalka telefoonka ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u yeeshaan tan iyo markii xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex billaabatay xukuumadaha Dooxa iyo Riyaadh.

Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo xiisadda taagnayd muddada saddexda bilood ah, iyadoo lagu soo warramayo in Amiirka Qatar uu ogolaaday in wadaxaajood uu ka galo dalabyada ay usoo jeediyeen xulafada Sacuudiga.

Haseyeeshee waxaa muran horleh uu ka dhashay cidda samaysay wicitaanka, iyadoo warbaahinta Sacuudiga ay ku warramayso in Amiirka Qatar uu soo wacay dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Saacado ka dibna Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Qatar inay ka been sheegtay xaqiiqada wadahadalka dhexmaray labada mas’uul, waxaana Riyaadh ay sheegtay inay hakinayso wadaxaajoodka.

Arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ah in xallinta khilaafka loo saaro laba ergay oo kala matalaya dhinacyada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Qatar.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay sheegay inuu diyaar u yahay dhexdhexaadinta labada dhinac, si xal loogu helo xiisadda haraysay gobolkaasi.