Uncategorized

Hogaamiye ka tirsan Al-shabaab oo Gobolka Gedo iska dhiibay

Baardheere–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta Sargaal Sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab uu iska dhiibay islamarkaana uu isu soo dhoobay Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolkaasi.

Sargaalka is dhiibay ayaa Magaciisa lagu sheegay C/casiis Xasan Heybe,waxaana uu ku Magac dheeryahay Bishaar.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo Faarax Maxamed (Turbac) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka.

Sargaalka Ciidamada Xoogga Dalka isku dhiibay ayaa la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Waxyaabaha laga sameeyo Miinooyinka, waxaana uu ka howlgali jiray Degaanada u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose sida uu sheegay Faarax Maxamed (Turbac) oo ah Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Dhowr Jeer ayaa Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay iska dhiibeen Qeybo ka mida Gobolka Gedo,iyagoo sheegay in ay ka Tanaasuleen Fikiradii ay horay u aaminsanaayeen.