Somali News

Hogaamiye sare oo ka tirsanaa ururka Al-Qacida oo lagu dilay dalka Afghanistan

Muqdisho-KNN- Ciidamada amaanka dalka Afghanistan ayaa sheegay inay dileen sargaal sare oo ka tirsanaa hogaanka sare ee ururka Al-Qacida kaasi oo lagu magacaabi jiray Abuu Muxsin Al-Misri.

Sargaalkaan oo u dhashay dalka Masar waxaa uu ahaa ninka labaad ee ugu sareeya dhanka ciidamada ururka Al-Qacida

Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa shaqsiyaadka sida weyn loo raadinayay ee ku jira hogaanka ciidamada Al-Qacida.

Wasaaradda amniga Afghanistan ayaa sheegtay in sargaalkaan lagu dilay howlgal gaar ahaa oo ay ciidamada dawlada Afghanistan ka sameeyeen degaan ku yaala gobolka Qasni la yiraahdo.

Maraykanka ayaa liiska dadka la doondoonayo ku daray bishii December sanadkii 2018 kadib markii lagu eedeeyay inuu halis ku yahay amniga reer galbeedka.