Uncategorized

Hogaamiyihii Catalonia oo dacwad lagu soo oogayo

Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.

Xafiiska madaxa dacwad soo oogaha Spain ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah Mr Puigdemont lagu wado in la soo bandhigo maanta oo isniin ah.

Mr Puigdemont ayaa diiday in uu aqoonsado amarkii xilka looga qaday ee ka soo baxay xukuumadda madrid.

Labada dhinac ee kala ah xukuumadda Spain iyo hogaamiyayaasha Catalonia ayaa waxa ay kala taagan yihiin mowqifyo adadag.

Mar sii horeysay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona iyaga oo ku baaqayay midnimada Spain.

Xukumadda Spain ayaa la wareegtay awoodihii gobolka Catalonia ka dib markii la kala diray baarlamaankii gobolka islamarkanada shaqada laga cayriyay hogaamiyahood.