Somali News

Hogaamiyihii kooxda ugu xoogan Burcada dalka Meksiko oo gacanta lagu dhigay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka dalka Meksiko ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen hogaamiyihii kooxda gaangiistarada wadankaasi kuwaas oo rabshado xoogan ka waday bartamaha waqooyiga Meksiko.

Kooxdan ayaa mudo sanooyin ah waxa ay dagaalo ka wadaan gobolka iyadoona loo aqoon sanyahy in ay yihiin koox dambiilayaal ah.

Masuuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Antonio Yepez Ortiz, oo loo yaqaano “El Marro” laqabtay Axadii isaga iyo shan kale.

Sidoo kale ciidamada amaanka Meksiko ayaa sheegay in ay hawlgalka kusoo furteen ganacsato laqafaashay, iyagoona gacantana kusoo dhigay hub ay kooxdu wadatay.