Somali News

Gabar la dhalatay hogaamiyihii Daacish oo la qabtay ayadoo baxsad ah.

Walaasha hogaamiyihii hore ee Kooxda Daacish dhawaanna ladilay ee Abu Bakr al-Baghdadi ayaa lagu qabtay waqooyiga dalka Suuriya Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Turkiga haweenaydan oo 65 sano jir ah ayaa lagu qabtay meel u dhaw magaalada Azaz.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in qabashada haweenaydan ay u fududaysay kadib markii ay heleen xogo sirdoon oo ku saabsan kooxda Daacish.

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegay in hogaamiyihii kooxdan Al-Baqdaadi uu isdilay xilli bishii lasoo dhaafay ay hawlgal ka sameeyeen waqooyi galbeed ee dalka Suuriya.

Dilka Al-Baqdaadi ayuuna madaxwaynaha Mareykanka ku sheegay in ay tahay guul wayn oo dowladda Mareykanka usoo hoyatay.