Somali News

Hogaanka NISA ee Jubaland oo Kismaayo laga soo masaafurinayo

Kismaayo-KNN-Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo dib looga soo celiyo saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, oo Jubaland ay udiiday in ay galaan Kismaayo.

Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo dowladda federaalka ay u magacaawday ku xigeenka iyo taliyaha, hayadda NISA ee qeybta Jubaland, ayaa maamulka Axmed Madoobe waxa ay shalay ku xayireen garoonka Kismaayo, waxaana la sheegay saaka in Muqdisho dib loogu soo celin doono.

Maamulka Jubaland ayaa sidan oo kale waxa uu dib usoo celisay taliyihii ciidamada Milatariga ee dowladdu u magacaawday deegaanada Jubaland.