Somali News

Hoggaamiyaasha dunida oo soo dhaweeyay in Joe Biden uu dib ugu laabto heshiiska cimilada.

Hoggaamiyaasha dunida iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu madaxwaynaha cusub ee wadanka Maraykanka uu dib ugu laabtay heshiiska cilimada.

Heshiiskan ayaa sanadkii 2015 lagu galay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska, iyadoona uu horay uga baxay madaxwaynaha xafiiska baneeyay ee Donald Trump.

Madaxwayne Joe Biden ayaa kahor inta uusan xafiiska iman balan qaaday in uu dib ugu laaban doono heshiiska cilimada, taas oo uu ka dhabeeyay saacadihiisii ugu horeeyay ee xafiiska.