Somali News

Hoggaamiyaha Iran oo Cawaaqib Xumo ugu Hanjabay Britain.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in Britain ay wajahayso cawaaqib xumo daran haddii aysan sii daynin markab ay dhawaantan dalka Iran ka qabsatay.

Rouhani ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay wakaalada warar ee Tasnim ku sheegay in sara u qaadida macdanteeda Yuraaniyeemka aysan waxba u dhimayn nabada caalamka.

Iran waxa ay UK ka dalbatay in si deg deg ah ay usii deeso markab nuuca shidaalka qaada ah kaas oo isbuucii lasoo dhaafay Britain ka qabatay biyaha Jasiirada Gibraltar.

Britain ayaa markabka Iran ku sheegtay in uu ahaa mid shidaal sharci daro ah u siday dalka Suuriya oo ay midowga yurub kusoo rogeen cunaqabateen caalami ah.

Haddii aad tihiin Britain idinka ayaa ka shaqeenaya amni darada waadna ogaan doontaan cawaaqib xumada kadhalata ayuu yiri madaxwayne Rouhani kadib kulan uu laqaatay golihiisa wasiirada.

Iran ayaa cunaqabateen xoogan kala kulmaysa dalka Mareykanka kaas oo sanadkii lasoo dhaafay ka baxay heshiiskii xakamayn hubka Niyukleerka.