Somali News

Hoggaamiyaha Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Muqdisho-KNN-Hoggaamiyaha Iran Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa waxa uu ka hadlay dil uu Mareykanku u gaystay ku sarkaal sare oo reer Iran ah, kaas oo gelin hore ee maanta lagu dilay meel aan sidaa uga fogayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Sarkaalka la dilay oo ka mid ah kuwa ka amar qaata hoggaamiyaha dalka Iran ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Qaasim Suleymaani.

Qaasim ayaa waxa uu taliye u ahaa Ciidan gaar ah oo ay leedahay, kuwaas oo looga talogaley in ay weeraro ka fuliyaan meelaha ka baxsan Iran.

Khumeyni ayaa ugu hanjabay Mareykanka in uu aysan gacmaha ka laaban doonin falkaasi ay gaysteen,Isagoo dhinaca kale u tacsiyadeeyay sarkaalkaasi la dilay