Somali News

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo mudo kadib ka soo muuqday warbaahinta

Muqdisho-KNN-Mr Kim ayaa ka soo muuqday munaasabad, kadib warar la isla dhexmarayay oo shaki gelinayay xaaladdiisa caafimaad.

Kuuriyada Waqooyi ayaanan ilaa haatan laga xaqiijin kiis fayraska Corona ah, waxaana la aaminsan yahay in haddii uu gaaro xanuunka uu si xowli ah ugu faafayo ,uuna saameyn weyn ku yeelan doono dalkaasi aanu dhaqaalihiisa cagaha badan ku taagneyn.

Dhanka kale dabayaaqada toddobaadkan ayaa waxaa laga baqdin qabaa in duufaanta Bavi ay ku dhufuto Kuuriyada Waqooyi.

Mr Kim oo ka hadlayay kulan ka dhacay olitburo ayuu  ka sheegay in laga gaabiyay dadaalladii ka hortagga fayraska Corona ee Kuuriyada Waqooyi laga waday. Sida ay soo werisay warbaahinta qaranka iyada oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Xukuumadda Pyongyang ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in dalkeeda aanan laga helin fayraska Corona, inkastoo hadalkaasi shaki la gelinayay.

Ma jirin wax kiis ah oo lagu dhaawaqay balse warbaahinteeda ayaana muddo dhowr toddobaad ah joojisay sheegashada ah in aan  laga helin kiis la xiriira fayraska Corona.