Somali News

Hoggaamiyaha Kuuriyadda Woqooyi oo warqad ka helay Madaxweyne Trump

Muqdisho-KNN-Hogaamiyaha kiiriyadda woqooyi Kim Jong Un ayaa warqad shaqsi ah waxaa uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida ay warisay warbaahinta Dowladda.

Madaxweyne Kim aad ayuu u amaanay warqadda waxaana uu sheegay in uu aad uga fiirsan doono waxyaabaha xiisaha leh ee warqadda ku qoran.

Waxaa uu sidoo kale amaanay tallaabadda aan caadiga ahayn ee Trump.

Horraantii Bishaan ayaa Trump waxaa uu sheegay in uu Kim ka helay warqad aad u qurxoon, balse ma uusan faahfaahin waxa ku qornaa.

Lama aheegon waqtiga rasmiga ah ee Warqadda Trump ay gaartay Kim, arrintaanna weli Aqalka cad kama uusan hadlin.

Labadda nin ayaa isku dayaya in ay abuuraan xiriir shaqsiyadeed oo firdircoon ka hor inta aysan abuurin xiriir wanaagsan oo dalalkooda dhex mara.