Somali News

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Senegal oo xabsiga laga sii daayay 

Hoggaamiyaha mucaaradka Senegal, Ousmane Sonko iyo ku-xigeenkiisa labaad, oo ah murashaxa madaxtinimada, Bassirou Diomaye Faye, ayaa laga sii daayay xabsiga magaalada Dakar, 10 maalmood ka hor doorashada waddanka. 

Hoggaamiyaha Mucaaradka Senegal Osman Sonko waxa uu xuddun u ahaa khilaafkii qaraaraa ee laba sano socday ee u dhexeeyay dawladda waxana uu ku jiray xabsiga tan iyo bishii Luulyo.  

Siideyntooda ayaa daba socota todobaadyo qalalaaso ah kadib markii madaxweyne Macky Sall uu dib u dhigay Doorashada madaxweynaha 25-ka Febraayo. 

Waxa kale oo ay si weyn wax uga beddeli kartaa ololaha madaxweynaha, musharaxiinta mucaaradka ay durba bilaabeen ololaha doorashada.